Sirta iyo Saameynta estrogen: hagaha dhamaystiran ee hormoonka dumarnimada

 
Infographic muujinaya saameynta iyo sirta hormoonka estrogen ee caafimaadka dumarka, dhalmo-dayska, iyo hab-dhiska taranka.
Hagaha dhamaystiran: Sidee estrogen u saameeyaa wadnaha, lafaha, iyo niyadda haweenka?

Hormoonnadu waa fariin sidayaal dabiici ah oo maamula hawlo badan oo ka dhaca jirka bini’aadamka. Waxay saameeyaan koritaanka, niyadda, dheef-shiidka, hurdada, iyo taranka. Marka laga hadlayo caafimaadka haweenka, hormoonka door ugu weyn ka qeyb qaata waa Estrogen.


Estrogen wuxuu laf dhabar u yahay isbeddellada jireed iyo kuwa maskaxeed ee haweeneyda la kulanto marxalad kasta oo nolosheeda ah laga bilaabo qaan-gaarnimada ilaa menopause-ka xiliga dabiiciga ah oo ku yimaada nolosha haweeneyda, marka ay joogsadaan wareegga caadada iyo dhalmadu.

Waa Maxay Hormoon-ka Estrogen?

Estrogen ma aha hal hormoon oo keliya, balse waa koox hormoono ah oo ay ka mid yihiin 
  • estradiol nooca ugu xooggan uguna badan ee estrogen ee ku jira jirka haweeneyda inta ay ku jirto da'da dhalmada, 
  • estriol nooca estrogen ee la xiriira uurka, iyo 
  • estrone  oo ah nooca estrogen ee jirka u hara marka ay haweeneydu gaarto dhalmo-joogga (menopause).. Waxaa inta badan soo daaya ugxan-sidaha (ovaries), inkastoo qadar yar laga helo qanjirka adrenal-ka iyo unugyada dufanka. 
Ragga sidoo kale way leeyihiin estrogen, balse aad ayuu uga yar yahay kan haweenka, inkastoo haweenka ay leeyihiin xadi yar oo ah hormoonka testosterone ka, sidoo kalena aad ugu yar yahay ka ragga.

Inta lagu jiro qaan-gaarnimada, estrogen wuxuu bilaabaa inuu kor u kaco, taasoo sababta isbeddelo muuqda sida koritaanka naasaha haweeneyda, balaarashada miskaha(Pelvis) iyo bilaabashada wareegga caadada.


Doorka uu ka Ciyaaro estrogen-ka Jirka Haweeneyda


    1. Horumarinta astaamaha dhedignimada:

Estrogen wuxuu mas’uul ka yahay sameysanka astaamaha dumarnimo sida qaabka jirka, jilicsanaanta maqaarka, iyo qaybinta dufanka jirka.

     2. Nidaaminta wareegga caadada:


Hormoon-kani wuxuu kaalin weyn ka qaataa dhisidda dahaarka(xuubka) minka bil kasta, si jirku ugu diyaar garoobo uur. Haddii uur dhicin, dahaarkaasi wuu daataa taasoo noqota caadada.

    3. Caafimaadka lafaha:


Estrogen wuxuu ka hortagaa burburka ku yimaada lafaha. Hoos u dhiciisa gaar ahaan marka la gaaro menopause xiliga dhlamada deyso haweeneyda, wuxuu kordhiyaa halista lafaha jilca (osteoporosis).

4. Wadnaha iyo xididada dhiigga:


Wuxuu ka caawiyaa dheelitirka kolestaroolka, wuxuuna taageeraa dabacsanaanta xididdada dhiigga, taasoo yareyn karta khatarta cudurrada wadnaha.

5. Maskaxda iyo niyadda:


Waxaa jira xiriir qoto dheer oo ka dhaxeeya estrogen-ka iyo serotonin-ka (hormoonka farxadda). 
Marka uu estrogen-ku sareeyo, maskaxdu waxay soo saartaa serotonin badan, taas oo keenta in qofku yeesho niyad deggan iyo xusuus fiican.

Calaamadaha isku dheeltir-la’aanta Estrogen


Marka heerka estrogen uu aad u kaco ama hoos u dhaco, jirka haweeneyda wuxuu muujin karaa calaamado digniin ah.

Haddii uu yaraado waxaad isku arki kartaa calaamadahan:


  • Kulayl kedis ah (hot flashes) 
  • dhidid xilliga habeenkii ah
  • Qalayl xubinta taranka ah
  • Niyad-isbedbedel iyo hurdo la’aan
  • Hoos u dhac rabitaanka galmada ah
  • Lafaha oo daciifa muddo ka dib

Sidoo kale haddii uu bato waxaad isku arki kartaa calaamahan:


  • Miisaanka oo kordha, gaar ahaan dhexda
  • Barar iyo xanuun xagga naasaha ah
  • Caado aan joogto ahayn(caado wareer)
  • Madax-xanuun ama lalabbo
  • Daal iyo kacsanaan

Maxaa Keeni Kara Khalkhalka ku yimaada hormonka Estrogen?


Waxyaabaha sababi kara dheelitir la’aanta waxaa ka mid ah: walwal joogto ah, hurdo yari, cunto aan dheelitirneyn, cayil, cudurro ku dhaca ugxan-sidaha, iyo isticmaalka qaar ka mid ah dawooyinka hormoonada.

Sidee Loo Dheelitiri Karaa hormoon-ka Estrogen Si Dabiici ah?


  • Cunto nafaqo leh: Cun khudaarta cagaaran, miro, laws, iyo cunto fiber badan leh. Fiber-ku wuxuu ka caawiyaa jirka inuu saaro hormoonada xad-dhaafka ah.
  • Jimicsi joogto ah: Socod, orod fudud, waxay hagaajiyaan nidaamka hormoonada.
  • Hurdo kugu filan: 7 ilaa 8 saacadood oo hurdo tayo leh ah ayaa muhiim u ah dheelitirnaanta hormoonnada.
  • Yareynta walwalka:Fikir dejin, neefsasho qoto dheer, iyo nasasho maskaxeed ayaa hoos u dhigta cortisol-ka oo saameeya estrogen.
  • Ilaalinta Caafimaadka Beerka: Beerku waa xubinta jirka ka saarta estrogen-ka duugoobay. Haddii beerku culus yahay (tusaale ahaan dufan badan ama sonkor badan), estrogen-ka ayaa jirka ku dhex ururaya, cab biyo kugu filan si kelyaha iyo beerkaba si fiican ugu shaqeeyaan.

Gunaanad(Gabogabadii)


Estrogenku waa hormoon muhiim u ah caafimaadka guud ee haweeneyda laga bilaabo taranka ilaa lafaha iyo maskaxda. Fahamka doorkiisa iyo calaamadaha dheellitir la’aantiisa waxay kaa caawinayaan inaad si hore u ogaato isbeddelada jidhkaaga. Haddii aad aragto calaamado daran ama joogto noqda, la tashiga dhakhtar iyo baaritaan dhiig waa talaabada ugu habboon ee aad markaasi sameyn kartid.


⚠️

Macluumaadkaan waxaa loogu talagalay wacyi gelin keliya, fadlan la tasho dhakhtar intaadan qaadan wax go'aan ah oo caafimaad.

Post a Comment

0 Comments

Searching