Caafimaadka wanaagsan ma aha nasiib keliya, balse waa natiijada caadooyin wanaagsan oo si joogto ah loo sameeyo, isbedel yar oo aad maanta bilowdo ayaa mustaqbalka kuu horseedi kara nolol caafimaad badan iyo jir xoogan.
12 ka caadooyin ee muhiimka ah waxaa kamid ah:
1. Cun quraac caafimaad leh
2. Qorshee cuntadaada
3. Biyo badan cab
4. Samee jimicsi maalin kasta
5. Yaree waqtiga aad shaashadaha ku qaadato
6. Wax cusub baro
Barashada xirfad cusub, luqad cusub ama waxyaabo cusub waxay firfircooni siisaa maskaxda waxayna kor u qaaddaa awooda xusuusta.
7. Ka fogow sigaarka
Sigaarku wuxuu dhaawac u geystaa sambabada, wadnaha iyo xubno kale oo badan, Joojintiisu waa mid ka mid ah talaabooyinka ugu muhiimsan ee lagu ilaalin karo caafimaadka.
8. Hurdo kugu filan seexo
9. Xooji murqahaaga
Jimicsiyada murqaha dhisa sida riixista (push ups), qaadista miisaanka ama jimicsiyada kaleba waxay xoojiyaan murqaha iyo lafaha jirka.
10. Banaanka waqti ku qaado
11. Hagaaji isku dheelitirka jirka
Jimicsiyada isku dheelitirka sida yoga ama tai chi, ama xitaa socodka joogtada ah, waxay yareeyaan khatarta xanuuno jirkaaga soo weerari lahaa hadii aadan sameyn isku dheelitirnaan jireed, waxayna kordhiyaan awoodda jirka
12. Isdeji oo maskaxda nasii
Cadaadiska badan ee maskaxeed wuxuu dhaawici karaa caafimaadka, qaado waqti aad ku neefsato si qoto dheer, u ducaysato, u fikirto ama u nasato. Tani waxay kaa caawin kartaa dhimista walwalka maskaxeed iyo hagaajinta niyadda.
Gunaanad
Caafimaadka wanaagsan laguma gaaro hal maalin, balse waxaa lagu dhisaa caadooyin wanaagsan oo maalin kasta la sameeyo. Haddii aad bilowdo xitaa hal ama laba caado maanta, waxaad si tartiib ah u dhisaysaa nolol caafimaad badan oo mustaqbalka faa'iido kuu leh.
Xasuusin Muhiim ah:
Qodobadani waa talooyin guud oo kor u qaada caafimaadka. Haddii aad qabto xanuun gaar ah ama aad qorshaynayso isbeddel weyn oo ku saabsan cuntada ama jimicsiga, la tasho xirfadle caafimaad.






