Suuska Ilkaha (Dental Cavity): 7 da Sababood Ee Ugu Waaweyn Ee Keena

 

Suuska Ilkaha (Dental Cavity): 7 da Sababood Ee Ugu Waaweyn Ee Keena

Suuska ilkaha (Dental Cavity) waa mid ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee ugu badan dunida. Wuxuu dhashaa marka bakteeriyada ku nool afka ay burburiyaan dusha adag ee iliga, taasoo keenta daloolo iyo dhaawac joogto ah. Haddii aan la daaweyn, suusku wuxuu sababi karaa xanuun daran, caabuq, iyo xitaa in iligu meesha laga bixiyo.

Hoos waxaa ku xusan 7 da sababood ee ugu waaweyn ee keena suuska ilkaha.

1- Cunista sonkorta badan

Cuntooyinka iyo cabitaannada sonkorta leh sida nacnaca, buskudka, shukulaatada, iyo cabitaannada macaan waxay quudiyaan bakteeriyada afka ku jirta. Bakteeriyadani waxay soo saaraan aasid (acid) waxyeeleeya iliga, taasoo ugu dambayn keenta suus.

2- Nadaafad afka Oo liidata

Haddii aan si joogto ah loo cadayan ilkaha ugu yaraan laba jeer maalintii, haraaga cuntadu wuxuu ku ururaa ilkaha. Taasi oo kordhisaa bakteeriyada iyo samaysanka suuska.

3- Isticmaalka Cabitaannada Macaan

Cabitaannada fudud, cabitaanad la shiido ee sonkorta leh, iyo cabitaanada tamarta laga helo ayaa leh sonkor iyo aasid (acid) badan. Labaduba waxay dhaawac u geystaan dusha iliga waxayna sare u qaadaan halista suuska.

4. Afka oo Qaleylka ku bato

Candhuuftu waxay kaalin muhiim ah ka ciyaartaa ilaalinta ilkaha. Marka afku qalalo oo candhuuftu yaraato, bakteeriyadu si fudud ayay u tarmaan, taasoo kordhisa khatarta suuska.

5. Cuntooyinka Ku Dhega Ilkaha

Cuntooyinka sida karamellada(waa nooc ka mid ah macmacaanka oo la helo marka sonkorta la kululeeyo ilaa ay ka gaarto heer heerkul sare ah), nacnacyada jilicsan, iyo buskudka qaarkood waxay muddo dheer ku dhegaan ilkaha. Tani waxay siinaysaa bakteeriyada waqti badan oo ay ku soo saaraan aasid(acid) waxyeeleeya iliga.

6. Cadayasho Aan Sax Ahayn

Dadka qaar way cadaydaan ilkaha, laakiin si sax ah uma nadiifiyaan dhammaan qaybaha afka. Haddii meelo ka mid ahi wasakh yeeshaan, suusku halkaas ayuu ka bilaaban karaa.

7. Booqasho La'aanta Dhakhtarka Ilkaha

Dad badan waxay dhakhtarka ilkaha u tagaan marka xanuun jiro oo keliya. Baaritaanka joogtada ah wuxuu gacan ka geystaa in suuska lagu ogaado marxalad hore ka hor inta uusan sii xumaan.

Sidee Looga Hortagi Karaa Suuska Ilkaha?

  • Cadayo ilkaha ugu yaraan laba jeer maalintii.
  • Yaree cunista sonkorta iyo cabitaannada macaan.
  • Cab biyo badan si afku u qoynaado.
  • Isticmaal dunta ilkaha (Dental Floss) maalin kasta.
  • Booqo dhakhtarka ilkaha ugu yaraan laba jeer sanadkii.

Gunaanad

Suuska ilkaha waa dhibaato caafimaad oo laga hortagi karo haddii la ilaaliyo nadaafadda afka iyo ilkaha, fahamka sababaha ugu waaweyn ee keena suuska waxay kaa caawinaysaa inaad qaaddo talabooyin hore oo ilaalinaya caafimaadka ilkahaaga iyo dhoola caddayntaada.

Searching