Dhalinyaro badan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa maalin walba la tacaala dhibaatada finanka wejiga , taas oo inta badan ku keenta walaac iyo kalsooni darro dhanka muuqaalka ah. Inkasta oo ay jiraan dawooyin badan oo Goobaha caafimaadka laga heli karo, haddana dad badan waxay door bidaan habab dabiici ah oo ammaan ah, qiimo jaban, isla markaana aan lahayn waxyeelooyin badan.
Qoraalkan waxa uu si faahfaahsan uga hadlayaa sida looga takhaluso finanka wejiga si dabiici ah adigoo adeegsanaya habab fudud oo adigoo gurigaada jooga aad sameyn karto.
Maxaa Keena Finanka Wejiga?
Kahor inta aan xal raadin, waa muhiim in la fahmo waxa sababa finanka. Finanka wejiga badanaa waxa keena:
- (Acne)saliid badan oo maqaarka soo daayo
- Daloolo xirma (pores)
- Bacteria ku samaysanta maqaarka
- Isbeddel hormoonno (gaar ahaan dhalinyarada)
- Cunto aan u wanaagsaneyn caafimaadka
- Nadaafad la’aan ama isticmaalka waxyaabo maqaarka dhaawaca
Marka la fahmo sababahaas, waxa sahlanaysa in xal waara la helo.
1. Isticmaalka Malabka Saafiga ah
Malabka dabiiciga ah waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu faa’iidada badan ee finanka lagula dagaalamo. Waxa uu leeyahay awood bakteeriyo dilo ah iyo mid ka hortag barar ah.
Sida loo isticmaalo:
- Qaado malab dabiici ah
- Mari wejiga meelaha finanku yaalaan
- Ku daa 15–20 daqiiqo
- Ku dhaq biyo diiran(Qandac ah)
Ku celi 3 ilaa 4 jeer todobaadkii si aad u aragto natiijo fiican.
2. Geedka Dacarta(Aloe Vera)
Dacarta waa geed si weyn loogu yaqaan daryeelka maqaarka. Waxay dejisaa maqaarka, yareysaa casaanka, isla markaana dedejisaa bogsashada finanka.Habka isticmaalka:
- Kasoo jar geedka laan dacar ah
- Ka soo saar dheecaanka dhexda ugu jira geedka dacarta ah
- Mari wejiga habeenkii dheecaanka gedka dacarta ah
- Markaad kasoo kacdid hurdada Subaxdii ku dhaq biyo qabow wejiga
Isticmaal joogto ah ayaa kaa caawin kara in finanku yaraadaan.
3. Nadaafadda wejiga oo Joogto ah
Wejiga oo si sax ah loo dhaqo waa talaabo muhiim ah. Wasakhda, boorka, iyo dufanka ayaa daloolada xiraya taas oo keenta finan.
Talooyin muhiim ah:
- Wejiga dhaq ugu yaraan laba jeer maalintii
- Ha isticmaalin saabuunada dufanka leh
- Isticmaal biyo diirran(Qandac) ah, hana ku darin biyo aad u kulul
Nadaafad joogto ah waxay yareyneysaa fursadda finan cusub oo wejiga kaaga soo bixi lahaa.
4. Cabitaanka biyo badan
Biyaha ayaa kaalin weyn ka qaata caafimaadka guud ee jirka iyo maqaarka. Marka jirka uu helo biyo ku filan, sunta jirka ku jirta waa laga saaraa, maqaarkuna wuxuu noqdaa mid nadiif ah.
Waxaa lagu talinayaa:
- Inaad cabto ugu yaraan 6 ilaa 8 koob oo biyo ah maalintii
- Inaad ka fogaato cabitaanada sonkorta ku badan tahay
5. Ka fogow cuntooyinka kiciya finanka wejiga
Iska yaree:
- Cuntooyinka la shiilo
- Cabitaanada macaan
- Waxyaabaha Macmacaanka saa'id ah ka samaysan
Ku beddel:
- Khudaarta sida ansalaatada iwm
- Miraha cusub oo markaas lasoo guray(fresh fruit)
- Cuntooyinka hodanka ku ah fiitamiinnada
6. Ka Fogow Taabashada Wejiga Badan
Isku day:
- Inaad iska ilaaliso cadaadinta finanka wejiga
- Ka ilaali gacmo wasakh leh iney wejigaga taabtaan
Gunaanadka
Ka takhalusidda finanka wejiga si dabiici ah waa arrin u baahan dulqaad iyo joogteyn. Hababka dabiiciga ah sida malabka, Dacarta, nadaafadda wejiga, cabida biyaha, iyo cunto caafimaad leh ayaa kaa caawin kara in aad hesho maqaar nadiif ah oo caafimaad qaba. Inkasta oo natiijadu aysan imaanin hal maalin gudaheed, haddana haddii aad ku dadaasho hababka aan kor kusoo sheegney, waxaad arki doontaa isbeddel muuqda waqti ka dib.



0 Comments