10 Qalad oo Dad Badani Maalin Kasta Sameeyaan, Kana Mid Ah Khataraha Ugu Waaweyn Ee Caafimaad

 

10 Qalad oo Dad Badani Maalin Kasta Sameeyaan, Kana Mid Ah Khataraha Ugu Waaweyn Ee Caafimaad


Dad badan waxay u maleynayaan in caafimaadka lagu ilaaliyo oo keliya marka la xanuunsado ama la qaato daawo, laakiin xaqiiqadu waa in caadooyin badan oo maalinle ah ay si tartiib ah u dhaawacaan jirkaaga, iyagoo kordhin kara halista cudurrada mustaqbalka haleeli kara jirka, hoos ka akhri 10 khalad oo caadi ah oo ay dad badani sameeyaan iyagoo aan ogeyn.

1. Biyo cabid la'aanta

Biyaha ayaa muhiim u ah shaqada maskaxda, kelyaha iyo dheef shiidka, cabitaan la'aanta biyaha waxay keeni kartaa daal, madax xanuun, calool fadhi 

2. Fadhiga dheer ee aan wax dhaq dhaqaaq lahayn

Saacado badan oo la fadhiisto waxay kordhin karaan halista cayilka, sonkorowga iyo cudurrada wadnaha, waxaa fiican inaad istaagto ama socoto dhowr daqiiqo saacad kasta.

3. Hurdo aan ku filnayn

Hurdo yarida waxay daciifisaa difaaca jirka, waxayna saameyn ku yeelan kartaa xusuusta, niyadda, iyo awoodda qofka ee shaqooyinka maalinlaha ah.

4. Isticmaalka teleefanka ka hor inta aan la seexan

Iftiinka ka baxa shaashadaha wuxuu carqaladeeyaa hurdada, taasoo keeni karta hurdo la'aan iyo daal joogto iyo madax xanuun daran.

5. Cunista cuntooyinka la warshadeeyay si joogto ah

Cuntooyinka ay ku badan yihiin sonkorta, milixda(cusbada) iyo dufanka aan caafimaadka u fiicneyn waxay kordhiyaan halista dhiig karka, cayilka iyo sonkorowga.

6. Iska indhatirka calaamadaha hore ee cudurrada

Dad badan waxay iska indhatiraan calaamado sida xanuun joogto ah, miisaan dhimis ama dhiig bax aan caadi ahayn, ogaanshaha hore wuxuu kordhiyaa fursadda daaweyn guuleysata.

7. Daawooyinka oo la iska qaato iyadoo aan talo caafimaad la helin

Isticmaalka daawada antibiyootigga(antibiotic) ama dawooyinka kale adigoon la tashan xirfadle caafimaad wuxuu sababi karaa dhibaatooyin iyo iska caabin dawo.

8. Jimicsi la'aan

Jimicsiga wuxuu xoojiyaa wadnaha, murqaha iyo lafaha. Dhaqdhaqaaq la'aantu waxay kordhisaa halista cudurro badan oo daba dheeraada.

9. Cadaadiska maskaxda oo la iska indho tiro

Stress(walwal) ka joogtada ah wuxuu saameyn ku yeelan karaa hurdada, cadaadiska dhiigga, dheef shiidka iyo caafimaadka maskaxda.

10. Baaritaannada caafimaadka oo la dayaco

Xitaa haddii aad caafimaad dareemeyso, baaritaanada joogtada ahi waxay gacan ka geystaan ogaanshaha cuduro badan ka hor inta aysan halis kugu noqon.

Gunaanad

Caafimaadku ma aha oo keliya daawo la qaato marka la xanuunsado, balse wuxuu ku bilaabmaa caadooyinka yaryar ee aad maalin kasta sameyso, isbeddelo fudud oo joogto ah ayaa si weyn u yarayn kara halista cudurro badan, kana caawin kara inaad ku noolaato nolol caafimaad leh.

Searching