Caadadu waa geeddi socod dabiici ah oo ka mid ah nolosha gabadha, balse gabdho badan waxay la kulmaan xanuun iyo raaxo la’aan inta lagu jiro maalmahaas. Xanuunka caadada (dysmenorrhea) wuxuu u dhexeeyaa mid fudud oo la maareyn karo ilaa mid aad u daran oo saameeya shaqada, waxbarashada, iyo nolol maalmeedka haweenka. Fahamka sababaha keena dhibaatadan ayaa kaa caawin kara inaad hesho xal ku habboon oo badbaado leh.
Waa Maxay Xanuunka Caadadu?
Xanuunka caadadu waa murqo qabsasho ka timaadda makaanka (ilma-galeenka) marka uu iska sii daayo xuubkii ku samaysnaa inta lagu jiray wareegga caadada. Qaar ka mid ah gabdhaha, xanuunku wuu yar yahay, halka kuwo kalena uu noqdo mid aad u daran oo u baahan talo caafimaad.
Sababaha keena badanaa in gabadhu ku xanuunsato caadada
1. Isbeddellada Hormoonnada
Mid ka mid ah sababaha ugu badan waa isbeddelka hormoonnada, gaar ahaan hormoonka loo yaqaan prostaglandins waa sababta ugu weyn ee keenta xanuunka dhabarka iyo caloosha xilliga caadada, Marka heerkiisu sareeyo, makaanku wuu si xoog leh u qabsadaa si uu u daadiyo dhiigga caadada, taasoo keenta xanuun, lalabbo, iyo mararka qaar matag. Gabdhaha leh wareeg caado oo culus ama dhiig badan ayaa inta badan la kulma xanuun ka xoog badan.
2. Endometriosis
Mid ka mid ah cudurrada sababi kara xanuun daran waa Endometriosis Xanuunka Dahaarka Minka. Xaaladdan waxay dhacdaa marka unugyo la mid ah kuwa xuubka makaanka ay ku koraan meel ka baxsan makaanka, sida ugxan-sidaha ama xubnaha kale ee miskaha. Tani waxay keentaa barar iyo xanuun joogto ah, gaar ahaan maalmaha caadada ay haweeneyda ku jirto. Calaamadaha waxaa ka mid noqon kara xanuun daran, dhiig badan, iyo mararka qaar dhibaato ku timaadda uur-qaadista.
3. Fibroids (Burooyinka Makaanka)
Uterine fibroids waa burooyin aan kansar ahayn oo ka samaysma gidaarka makaanka. Waxay sababi karaan dhiig badan iyo xanuun daran inta lagu jiro caadada. Inkastoo fibroids ku badanaa aanay halis ahayn, haddana haddii ay calaamado keenaan waxaa muhiim ah in la helo qiimeyn caafimaad.
4. Caabuqyada Miskaha (PID)
Pelvic inflammatory disease (PID) waa caabuq ku dhaca xubnaha taranka haweenka, badanaa wuxuu ka dhashaa infekshan galmada lagu kala qaado. PID du waxay keeni kartaa xanuun joogto ah oo ka sii dara marka caadadu timaaddo. Haddii aan la daaweyn, waxay sababi kartaa dhibaatooyin waaweyn sida uur qaadis la’aan.
5. Cadaadis iyo Walwal Nafsiyeed
Maskaxda iyo jirka waa isku xiran yihiin. Cadaadis badan, hurdo la’aan, iyo walwal joogto ah waxay kordhin karaan dareenka xanuunka, marka jirku ku jiro xaalad walbahaar, murqaha ayaa si fudud u qabsada, taasoo sii xoojisa xanuunka caadada.
6. Hab-nololeed Aan Caafimaad Lahayn
Cunto aan dheellitiranayn, jimicsi la’aan, iyo cabbitaanada leh maadada caffeine ama sonkor badan ayaa sidoo kale kordhin kara calaamadaha. sidoo kale Jimicsiga fudud sida socodka wuxuu caawiyaa inuu hagaajiyo wareegga dhiigga isla markaana yareeyo murqo qabsashada.
Calaamadaha Caanka ah ee la kulmo
Marka laga soo tago xanuunka caloosha, gabdhaha qaar waxay isku arkaan:
- Dhabar xanuun iyo lugaha oo xanuuna.
- Lalabo iyo mararka qaar matag.
- Isbeddel dhanka niyadda ah (Mood swings).
- Daal badan iyo hurdo la'aan.
Sidee Loo Yareeyaa Dhibaatada Caadada? (Talooyin Practical ah)
Haddii aad ka mid tahay dadka ku dhibtooda muddadan, isku day qodobadan soo socda oo wax weyn ka tari kara fududaynta xanuunka:
- Isticmaalka waxyaalaha kuleylka: Isticmaal caag biyo kulul (Hot water bottle) adigoo saaraya halka uu xanuunka kaa qabanayo, Kulaylku wuxuu dabciyaa muruqyada minka, taas oo xanuunka yaraysa.
- Cabitaanka biyaha iyo shaaha dhirta: Shaaha sinjibiisha (ginger) iyo qorfaha waxay caawiyaan dhimista bararka iyo xanuunka.
- Jimicsiga fudud: Socodka yar waxay soo saaraan maaddada Endorphins oo ah xanuun baabi'iye dabiici ah oo jirku soo daayo.
- Cuntada: Iska yaree cunooyinka ama walxaha ay ku badanyihiin cusbada, sonkorta, iyo kafeega xilliga caadada si aad uga fogaato dibbirada.
Goormee ayay tahay in dhakhtar la arko?
In kasta oo xanuunka yar uu iska caadi yahay, haddana waa inaad la xiriirtaa khabiir caafimaad haddii:
- Xanuunku uu ku hor istaagayo inaad shaqada ama waxbarashada tagto.
- Dhiiggu uu aad u badan yahay (ama aad beddelayso marada saacad kasta).
- Xanuunka uu kaaga sii darayo sanadba sanadka ka dambeeya.
Su’aalaha Inta Badan La Iska Weydiiyo (FAQ)
1. Ma jiraan cuntooyin gaar ah oo xanuunka kordhiya?
Haa. Cuntooyinka leh cusbada badan (waxay keentaa dibbiro), kafeega (oo cidhiidhi geliya xididdada dhiigga), iyo sonkorta badan waxay kordhin karaan bararka iyo dareenka xanuunka. Waxaa fiican in la badsado khudaarta iyo miraha xilligan.
2.Jimicsigu ma u xun yahay xilliga caadada?
Maya, lidkeeda! Jimicsiga fudud sida socodka ama fidinta jirka (stretching) wuxuu caawiyaa inuu dhiiggu si fiican u socdo, wuxuuna jirka ka saaraa walxaha keena xanuunka. Iska ilaali kaliya jimicsiga aadka u culus haddii aad tabar dari dareemayso.
3. Ma isticmaali karaa kaniiniyada xanuun-baabi’iyaha ah bil kasta?
Haa, haddii xanuunku yahay mid caadi ah, isticmaalka kaniiniyada sida Paracetamol ama Ibuprofen waa la oggol yahay. Laakiin had iyo jeer raac qiyaasta saxda ah, iskuna day inaad marka hore isticmaasho hababka dabiiciga ah sida kulaylka iyo biyaha badan.
Gunaanad
Dhibaatada caadadu maaha wax laga xishoodo, waana muhiim in gabadh kasta ay fahanto jidhkeeda. Inaad wax ka beddesho hab-nololeedkaaga iyo inaad raadsato caawimaad caafimaad markii loo baahdo waxay kuu horseedi kartaa nolol raaxo leh iyo wareeg dhiig oo caafimaad qaba.

0 Comments