Dhiig karka, oo sidoo kale loo yaqaan Hypertension, waa mid ka mid ah cudurrada ugu badan ee dunida ka jira maanta. Waxaa badanaa loogu yeeraa “dilaaga qarsoon” sababtoo ah marar badan qofka qaba ma dareemo wax calaamado ah ilaa ay dhibaatooyin waaweyn soo muuqdaan ama dhacaan.
Cudurkan haddii aan si fiican loo xakameyn wuxuu sababi karaa wadne xanuun, istaroog (stroke), kelyaha oo shaqadooda joojiya, iyo dhibaatooyin kale oo khatar ah.
Waa Maxay Dhiig Karka (Hypertension)?
Dhiig karka waa xaalad caafimaad oo dhacda marka cadaadiska dhiigga ee ku jira xididdada dhiigga uu noqdo mid aad u sareeya muddo dheer.
Marka wadnuhu dhiigga u riixo jirka, waxaa jira cadaadis ka dhasha socodkaas. Haddii cadaadiskaasi noqdo mid aad u badan, wuxuu dhaawici karaa xididdada dhiigga iyo xubnaha muhiimka ah ee jirka.
Cadaadiska dhiigga waxaa lagu cabbiraa laba tiro:
- Systolic pressure – cadaadiska marka wadnuhu dhiigga riixayo
- Diastolic pressure – cadaadiska marka wadnuhu nasanayo
Sababaha Keena Dhiig Karka
Sababaha ugu badan waxaa ka mid ah:
- Cuntooyinka cusbada badan leh
- Miisaankaagu oo xad dhaaf noqda (buurni)
- Jimicsi la’aan
- Sigaar cabida badan
- Khamri cabid badan
- Welwelka joogtada ah
- Hidde sideyaal (genetics)
Sidoo kale cudurro kale sida:
- Sonkorowga (diabetes)
- Kelyaha oo caabuq ku dhaca
- Dhibaatooyinka hormoonnada
Calaamadaha Dhiig Karka
- Madax xanuun
- madax wareer
- Daal joogto ah
- Wadnaha oo si xoog leh u garaacma
- Neefsashada oo ku adkaata
- Indhaha oo aragtida daciif noqota
- Neefta oo ku qabata
- Xabad xanuun
Dhibaatooyinka Dhiig Karka Keeni Karo
1. Wadne xanuun
2. Istaroog (Stroke)
3. Kelyaha oo dhaawac gaaro
4. Araga oo daciif noqda
Sida Looga Hortagi Karo Dhiig Karka
1. Cun cunto caafimaad leh
- yaree cunooyinka ay ku badantahay cusbada
- cun khudaarta iyo miraha badan
2. Samee jimicsi joogto ah
- ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii socod ama jimicsi fudud
3. Ilaali miisaanka jirka
4. Ka fogow sigaarka iyo khamriga
5. Yaree walbahaarka
6. Si joogto ah u cabbir dhiiggaaga
Goorma ayaa dhakhtar loo tagi karaa?
- cadaadiska dhiiggaagu ka bato 140/90mmhg
- aad dareento madax xanuun joogto ah
- aad leedahay sonkorow ama wadne xanuun
Gunaanad
FAQ – Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo
1. Dhiig karka ma la daaweyn karaa?
Haa, dhiig karka waa la xakameyn karaa iyadoo la isticmaalayo daawooyin iyo hab nololeed caafimaad leh.
2. Sidee lagu ogaadaa dhiig karka?
Waxaa lagu ogaadaa iyadoo la cabbirayo cadaadiska dhiigga iyadoo la adeegsanayo qalabka lagu cabiro (blood pressure)
3. Dadka dhalinyarada ah maku dhici karaa dhiig kar?
Haa, inkastoo uu ku badan yahay dadka waaweyn, dhalinyaradu sidoo kale way qaadi karaan.
4. Cusbo badan ma keentaa dhiig kar?
Haa, cunista cusbada badan ama cunno haku jirto ama waxyaabo kaleba waxay kordhisaa cadaadiska dhiigga..
Macluumaadkaan waxaa loogu talagalay wacyi gelin keliya, fadlan la tasho dhakhtar intaadan qaadan wax go'aan ah oo caafimaad.

0 Comments