Waa maxay galaha(Varicocele): Sababaha, Calaamadaha, iyo Daaweynta

Sawirka waa farqiga u dhaxeeya xinin caafimaad qabta sawirka bidix iyo xinin uu ku dhacay varicocele (galaha) dhinaca midig


Farqiga u dhexeeya xiniinyaha caafimaadka qaba (Normal) iyo kuwa leh Galaha (Varicocele) oo ah xididdada dhiigga oo barara.


Caafimaadka raga waa mawduuc inta badan ay ku geedaaman yihiin xishood iyo xog yari, gaar ahaan marka ay timaado dhibaatooyinka ku dhaca xubnaha taranka. Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee raga saameeya, balse dad badani aysan aqoon u lahayn ilaa ay dhibaatada weynaato, waa waxa loo yaqaano Galaha ama afka qalaad lagu dhaho Varicocele.

​Waa Maxay Galaha (Varicocele) ?

Varicocele waa marka xididdada dhiigga ee qaada dhiigga ka baxaya xiniinyaha ay balaartaan oo dabacsanaadaan,waxay ka dhalatay ballaarinta xididada dhiiga ee ku wareegsan xarigga shahwada (spermatic cord) iyo xiniinyaha, Waxaa lagu tilmaamaha inay u egyihiin xididada varicose oo ka muuqda lugaha, balse ku yaalla xiniinyaha, Inkastoo aysan mar walba keenin calaamado muuqda, galaha waa sabab caadi ah oo keenta dhalmo la’aanta ragga

Sida Ay U Badan Tahay

Cilmi baaris caafimaad ayaa muujinaya in varicocele laga helo qiyaastii 15 boqolkiiba ragga guud ahaan, halka ay gaarto ilaa 30 ilaa 40 boqolkiiba ragga qaba dhibaatooyinka taranka. Sida ay sheegaan hay’adaha caafimaadka sida World Health Organization, arrimaha saameeya taranka ragga ayaa mararka qaar si toos ah ugu xiran xaaladaha xididada dhiiga ee xiniinyaha.

Maxaa Sababa Galaha(Varicocele)?

  • Dhiig ku ururaya xididdada: Galaha wuxuu ka dhashaa marka dhiigga aan si fiican uga soo qulqulin xiniinyaha, taas oo keenta in xididdadu ballaarmaan.  

  • Qaan-gaarka: Badanaa wuxuu bilaabmaa xilliga qaan-gaarka, markaas oo isbeddelada hormoonnada iyo koritaanka jirka ay saameeyaan wareegga dhiigga.  

  • Xididdo daciif ah: Dadka qaar waxay leeyihiin xididdo daciif ah oo u nugul ballaarinta, taas oo kordhisa halista galaha.

Calaamadaha Lagu Garto Galaha

Marar badan varicocele ma keeno calaamado muuqda, gaar ahaan marka ay xaaladiisa yar tahay taas oo loo yaqaana stage one. Si kastaba, marka ay weynaato xaalada galaha waxaa soo bixi kara calaamado ay ka mid yihiin:

  • Barar ama xanuun khafiif ah oo xiniinyaha ah.  
  • Xiniinyaha oo yaraada: Waxaa dhici karta in xiniinta uu galahu ku dhacay ay ka yaraato tan kale (Atrophy).
  • Dareen jiidasho ama culays marka la istaago muddo dheer
  • Raaxo darro korodha marka la istaago, yaraatana marka la jiifsado
Qaar ka mid ah ragga waxay ogaadaan kaliya marka ay baaritaan u tagaan dhibaato la xiriirta xagga taranka.

Sidee lagu ogaan karaa Galaha(varicocele)

Dhakhtar ayaa badanaa ku ogaan kara varicocele baaritaan jireed. Waxaa la sameeyaa iyadoo bukaanku taagan yahay, kadibna la taabto xiniinyaha si loo dareemo xidid bararsan. Mararka qaar waxaa la adeegsadaa qalab sawir qaade ah sida ultrasound si loo xaqiijiyo.
Sida ay tilmaamaan khubarada caafimaadka ee Mayo Clinic, ultrasound waa hab sahlan oo lagu arko socodka dhiigga iyo bararka xididdada.

Maxay tahay saamaynta uu kugu sababi karo Galaha?

In kasta oo galaha uusan ahayn xaalad degdeg ah oo nolosha halis gelisa, haddana wuxuu saameyn weyn ku yeelan karaa laba qodob oo muhiim ah:

1. Madhalaysnimo (Infertility)

Galaha waa sababta ugu weyn ee keenta madhalaysnimada raga. Marka dhiiggu ku ururo xididada xiniinyaha, heerkulka xiniinyaha ayaa kor u kaca. Xiniinyaha waxay u baahan yihiin heer kul ka hooseeya kan jirka intiisa kale si ay u soo saaraan shahwa caafimaad qabta. Kuleylkaas dheeriga ah wuxuu dilaa ama daciifiya shahwada (sperm).

2. Hoos u dhaca Hormoonka Testosterone

Dhibaatadan waxay saameyn kartaa unugyada soo saara hormoonka raganimada, taas oo keeni karta daal, hammi yari, iyo isbeddel dhanka niyadda ah.

Sidee looga hortagaa galaha?

Galaha si toos ah looma hortagi karo, maadaama uu inta badan la xiriirayo qaab dhismeedka xididada. Si kastaba ha ahaatee waa inaad sameysaa:  
  • Baaritaan joogto ah oo caafimaad ayaa muhiim ah, gaar ahaan haddii ay jiraan calaamado muuqda.  
  • Haddii xanuun ama dhibaato dhalmo la’aan jirto, la tashiga dhakhtar waa tallaabo muhiim ah.

Varicocele iyo Taranka Ragga

Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee Galaha(varicocele) lala xiriiriyo waa saameynta ay ku yeelan karto shahwada. Xiniinyuhu waxay u baahan yihiin heerkul ka hooseeya kan jirka intiisa kale si ay u soo saaraan shahwo tayo leh. Marka xididdadu bararaan, kulaylka meesha ayaa kordha, taas oo saameyn karta:

  • Tirada shahwada
  • Dhaqdhaqaaqa shahwada
  • Tayada iyo qaabka shahwada

Goorma ayaa La daaweyn karaa xanuunka galaha?

Varicocele mar walba daaweyn uma baahna. Haddii aysan jirin xanuun ama dhibaato xagga taranka ah, dhakhtarku wuxuu kugula talin karaa kaliya la socod. Daaweyn ayaa loo baahan karaa haddii:

  • Xanuun joogto ah jiro ama culeys laga dareemo xininyaha
  • Xiniinyaha oo midkood ka yaraado midka kale 
  • Hoos u dhac ku yimaada bacriminta shahwada ragga
  • Dhibaato ka muuqata baaritaanka shahwada

Sidee loo daaweeyaa xanuunka galaha(varicocele)?

Dadka qaba galaha dhamaantood uma baahna qaliin. Haddii uusan xanuun jirin, ama uusan saameyn ku yeelan dhalmada, dhakhtarku wuxuu kugula talin karaa oo kaliya in lala socdo. Laakiin haddii loo baahdo daawayn, waxaa jira dhowr hab:

  • Qaliinka Furitaanka (Varicocelectomy): Waa qaliin yar oo xididdada xumaaday lagu xirayo si dhiiggu u maro xididdada caafimaadka qaba.
Open surgical varicocelectomy procedure showing inguinal incision and ligation of varicose veins in the spermatic cord.
Sawirkan Qalliinka Galaha: Halkan waxaad ku arki kartaa sida loo xiro xididdada dhiigga ee bararay ee keena Galaha. Xusuusin: Magaca 'Texticualar Artery' ee ku dhex qoran sawirka waa qalad xagga higgaadda ah, waxaana loola jeedaa halbowlaha muhiimka ah ee dhiigga geeya xiniinyaha (Testicular Artery).

  • Qaliinka Mikroskoobka(Microscopic Varicocelectomy): waa habka ugu casrisan uguna guulaha badan ee lagu daweeyo xididdada dhiigga ee ku barara xiniinyaha (Varicocele).
Microsurgical varicocelectomy showing surgeon using a microscope for precise ligation of dilated veins while preserving arteries and lymphatic vessels.
Habka ugu casrisan ee qalliinka Galaha iyadoo la isticmaalayo Microscope. Muraayadda weyneyso waxay dhakhtarka ka caawisaa inuu kala saaro xididdada dhiigga (Veins) iyo marinnada dheecaanka (Lymphatics) si looga fogaado dhibaatooyinka qalliinka ka dib.
  • Embolization: Tani waa hab aan qaliin u baahnayn, halkii qaliin weyn lagu samayn lahaa, dhaqaatiirtu waxay adeegsadaan farsamo fudud oo xididka dhexdiisa ah. Waxay isticmaalayaan tuubbo aad u dhuuban (catheter) oo laga geliyo meel yar oo maqaarka ah, iyadoo la raacinayo marinnada dhiigga ilaa laga gaaro xididka dhibaatadu ka jirto.
Varicocele embolization procedure diagram showing testicular vein repair with embolic coil and fluoroscopy guidance.
Sawirkani wuxuu muujinayaa habka Embolization, halkaas oo tuubo yar laga geliyo xididka gumaarka si loo xiro xididdada bararay ee Galaha (Varicocele). Fiiro gaar ah: Inkastoo sawirka AI-du uu xididdada ku muujiyay si ka buuran sida dabiiciga ah, nuxurka farsamadu waa mid sax ah.


Talooyin ku socda Ragga

  • Xiro nigis ku habboon: Haddii aad isku aragto galaha bilow ah, xirashada nigis xoogaa ku qabta (jockstrap) waxay yareyn kartaa xanuunka iyo culayska.
  • Ha iska indho tirin xanuunka: Haddii aad dareento isbeddel kasta oo ku saabsan qaabka xiniinyahaaga, fadlan la tasho dhakhtar.
  • Cunada Caafimaadka leh: In kasta oo cuntadu aysan dawayn galaha, haddana waxay caawisaa guud ahaan caafimaadka xididdada dhiigga.

Qodobbo Muhiim Ah Oo La Xasuusto

  • Varicocele waa barar ku dhaca xididdada xiniinyaha
  • Badanaa waxay ku dhacdaa xiniinta bidix
  • Marar badan calaamado ma leh
  • Waxay saameyn ku yeelan kartaa tayada shahwada
  • Qaliin ama hab xirid xidid ayaa lagu daweeyaa marka loo baahdo
  • Baaritaan hore ayaa ka hortagi karaa dhibaatooyinka waaweyn

FAQ, Su’aalo iyo Jawaabo

Galaha varicocele ma khatar baa?

Badanaa ma aha mid halis ah, balse waxay saameyn kartaa taranka haddii ay weynaato.

Varicocele ma keentaa madhalaysnimo?

Mararka qaar haa, gaar ahaan haddii tayada shahwadu hoos u dhacdo. Dad badanse taran caadi ah bay yeeshaan.

Varicocele qalliin ma u baahan yahay mar walba?

Maya. Haddii uusan xanuun ama dhibaato xagga taranka jirin, la socod keliya ayaa ku filnaan karta.

Varicocele ma laga hortagi karaa?

Hab gaar ah oo looga hortago ma jiro, balse baaritaan hore iyo wacyigelin ayaa muhiim ah.

Gunaanad

Galaha waa xaalad caadi ah oo ku dhacda qiyaastii 15% ka mid ah raga caadiga ah iyo ilaa 40% ka mid ah raga dhibaatada ka haysato dhalmada. Ma ahan wax laga xishoodo, waana xaalad si sahlan loo dawayn karo haddii loo tago khubaro caafimaad. Caafimaadkaagu waa hantidaada, markaa daryeel


⚠️ Digniin

Qoraalkan waa wacyigelin caafimaad oo guud, mana beddelayo talo caafimaad oo toos ah. Had iyo jeer la xiriir xirfadle caafimaad haddii aad isku aragto calaamado cudurka galaha ah.

Resources



Post a Comment

0 Comments

Searching