Carruurta iyo Telefoonka: 5 Tallaabo oo Looga Fogeyn Karo xilliga Hurdada

Ilmo hurda iyo calaamad telefoon mamnuuc ah oo muujineysa ka fogeynta carruurta shaashadaha habeenkii

Waalidiin badan oo casrigan jooga waxay la kulmaan tartan adag sidee looga bixiyaa gacanta ilmaha telefoonka marka la gaaro xilliga hurdada? In kasta oo farsamadu ay nolosha fududaysay, haddana saamaynta uu iftiinka ka dhasha shaashadaha ku leeyahay hurdada ilmaha waa mid aan la dhayalsan karin.

​Teknoolojiyadda casriga ah sida Samsung iyo Apple ayaa ka dhigtay taleefannada gacanta kuwo ku jira guri kasta. Carruur badan maanta waxay la seexdaan telefoon gacantooda ku jira, taas oo si toos ah u saameyn karta hurdadooda iyo caafimaadkooda guud.

Maxay Tahay Sababta Telefoonka looga Fogeynayo caruurta xilliga Hurdada?

Ka hor inta aynaan u gudbin xalka, waa inaan fahamnaa dhibaatada. Cilmi-baarisyo caafimaad ayaa sheegaya in iftiinka buluugga ah (Blue Light) ee ka soo baxa telefoonada uu hor istaago soo saarista hormoonka Melatonin.

  • ​Hormoonka Melatonin: Waa midka jirka u sheega in la gaaray xilligii hurdada.
  • Dhibaatada: Haddii hormoonkan la caburiyo, ilmaha waxaa ku adkaata inuu seexdo, taasoo ku keenta daal, xanaaq, iyo feejignaan yari maalintii ah.

Tallaabooyinka Wax ku Oolka ah ee aad Qaadi Kartid

  1. Samee "Aag ka Caagan Telefoonka" (No-Phone Zone) Qolka jiifka waa inuu ahaado meel loogu talagalay nasasho oo kaliya. Ha u ogolaan ilmaha inuu telefoonka ku dhex isticmaalo sariirta. Haddii ay suurtogal tahay, ka dhig qolka fadhiga meesha lagu dallago (charge) dhammaan telefoonada qoyska marka la gaaro saacad go'an.
  2. Deji Xeerka "Saacadda Dahabiga ah ​Waa in la damiyaa dhammaan shaashadaha ugu yaraan 60 daqiiqo ka hor intaanan la aadin sariirta. Tani waxay siinaysaa maskaxda ilmaha fursad ay ku degto, jirkuna uu ku bilaabo soo saarista hormoonka hurdada.
  3. Noqo Tusaale Fiican (Role Model) Carruurtu waxay sameeyaan waxaad samayso, ee ma sameeyaan waxaad u sheegto oo kaliya. Haddii adiga laf ahaantaadu aad sariirta ku dhex isticmaalayso baraha bulshada, ilmahaagu ma dareemayo muhiimadda uu leeyahay xeerka aad dejisay. Iska dhig telefoonka si aad tusaale ugu noqoto.
  4. Beddelka Telefoonka: usamee hawlo Dejiya Maskaxda Si aanu ilmuhu u dareemin mobeyl la'aantu marka telefoonka laga qaado, sii waxyaabo kale oo maskaxda dejiya sida: Akhrinta buugaagta sheekooyinka.Dhegeysiga qisooyin dhiirigelin leh.Wada sheekaysi dhex mara waalidka iyo ilmaha
  5. Isticmaal Tecknoolajiyada si aad u xaddidid Haddii wadahadalka shaqayn waayo, isticmaal app-yada laga xaddido isticmaalka internetka ee loo yaqaano (Parental ontrol). Waxaad dejin kartaa waqti uu internet ku si toos ah uga go'ayo aaladaha carruurta xilliga hurdada.    

​Gunaanad

​Caafimaadka maskaxda iyo jirka ee ilmahaagu wuxuu si toos ah ugu xiran yahay hurdada uu helayo. In telefoonka laga fogeeyo xilliga hurdada ma ahan ciqaab, balse waa hadiyad aad u siinayso caafimaadkiisa mustaqbalka. Ku bilow caawa, oo arag isbeddelka ay ku keento dabeecadda iyo koritaanka ilmahaaga.
​Xusuusin Caafimaad: Haddii ilmahaagu isbeddel weyn ka dareemo hurdada ama uu noqdo mid aad u xanaaq badan markaad telefoonka ka qaaddo, waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay la talin dheeraad ah oo xagga dhaqanka ah.

Post a Comment

0 Comments

Searching