Oof-wareenku (pneumonia) waa caabuq ku dhaca sambabada, kaas oo keena in dhuumaha hawada iyo kishishka(alveoli) yaryar ee sambabada ay ka buuxsamaan dheecaan(xab)ama malax. Tani waxay cunuga ku keentaa dhibaato dhanka neefsashada ah.
1. Maxaa keena Oof-wareenka (pneumonia)?
Cudurka ma aha mid hal shay oo keliya ka yimaada, balse waxaa sababi kara:
- Fayrasyo: Waa kuwa ugu badan ee keena oof-wareenka caruurta ka yar 5 sano.
- Bakteeriyo: Tani inta badan way ka darantahay tan fayraska, waxayna u baahan tahay daaweyn degdeg ah.
- Fungi: Tan badanaa waxay ku dhacdaa caruurta difaacoodu aadka u liito.
2. Calaamadaha lagu garto
Waa muhiim in waalidku si dhaqso ah u dareemo calaamadahan:
- Qufac joogto ah oo mararka qaar xab leh.
- Xumad (Qandho) sareysa iyo qarqaryo (dhaxan).
- Neefsashada oo dhibta: Cunuga oo si degdeg ah u neefsanaya ama feeruhu ay godmayaan marka uu neefsanayo.
- Cunto diid: Cunugga oo diida naas-nuujinta ama cuntada.
- Cunuga oo noqda mid aan firfircooneyn.
- Midabka oo isbedela: Dibnaha ama faraha oo buluug noqda (tani waa calaamad muujinaysa neefta(oxygen)oo yar.
3. Sidee looga hortagi karaa?
Ka hortaggu waa ka dhib yaryahay daaweynta. Halkan waxaa ku yaal tallaabooyin muhiim ah:
- Tallaalka: Hubi in cunuga qaatay dhammaan tallaallada loogu talagalay bilaha hore ee nolosha (sida tallaalka oof-wareenka iyo jadeecada).
- Naas-nuujinta: Caanaha hooyada waxay dhisaan difaaca cunuga, iyagoo ka ilaaliya caabuqyada.
- Nadaafadda: Gacmaha oo loo dhaqo cunuga iyo dadka agagaarkiisa jooga si joogto ah.
- Ka fogaanshaha Qiica: Sigaarka ama qiica jikada ee guryaha xiran dhexdiisa waxay daciifiyaan sambabada cunuga.
- Cunuga oo aan loo dhaweyn qof hergab daran qaba.
4. Goormaa dhakhtar lala xiriiraa?
Haddii aad aragto in cunugga neefsashadu ku adag tahay, feeruhu aad u dhuqmayaan (godmayaan), ama uu miyir doorsoomayo, waa in si degdeg ah loogu geeyaa xarun caafimaad.
⚠️ : Ha siinin cunuga daawooyinka qufaca ee farmashiyaha laga soo iibsado adigoon dhakhtar la tashan, waayo oof-wareenku wuxuu u baahan karaa antibiyootik gaar ah ama oksijiin(oxygen).

0 Comments