Qoraalkan waxaan ku sharxi doonaa si fudud oo faahfaahsan:
- Waa maxay dhiig-la’aantu
- Maxaa sababa
- Calaamadaha lagu garto
- Sida loo daweeyo iyo sida looga hortago
Waa Maxay Dhiig-La’aanta (Anemia)?
Dhiig-la’aantu waa marka dhiigga qofka uu yaraado ama tayadiisu liidato, taasoo keenta in ogsijiin ku filan uusan gaarin xubnaha jirka sida maskaxda, wadnaha iyo murqaha.
Hemoglobin-ka ku jira dhiigga ayaa ah kan qaada ogsijiinta, haddii uu yaraado, jirku wuu daciifayaa.
Noocyada Ugu Badan ee Dhiig-La’aanta
Waxaa jira noocyo kala duwan, balse kuwa ugu caansan waa:
1️- Dhiig-la’aanta birta (Iron Deficiency Anemia)
Tani waa tan ugu badan, waxayna dhacdaa marka jirku helo bir (Iron) yar.
2️- Dhiig-la’aanta fiitamiinnada
Waxaa keena yaraanta:
- Vitamin B12
- Folic Acid
3️- Dhiig-la’aanta cudurrada daba-dheeraada
Sida cudurrada kelyaha, beerka ama caabuqyada joogtada ah.
Sababaha Keena Dhiig-La’aanta
Waxaa ka mid ah:
- Nafaqo xumo (cunto aan bir lahayn)
- Dhiig bax joogto ah (caadada haweenka, boogo, shil ama qaliin)
- Uur(Pregnancy)
- Cudurro daba dheeraada
- Dulinnada caloosha (gooryaanka caloosha)
- Cunto aan dheellitirnayn
Calaamadaha Lagu Garto Dhiig-La’aanta
Qofka dhiig-la’aanta qaba wuxuu dareemi karaa:
- Daal iyo tabar-darro
- Madax-wareer
- Wadno garaac degdeg ah
- Neef qabatow
- Midab cad oo wajiga ah
- Gacmaha iyo cagaha oo qabow
- Xasuus-yaraan iyo diirad-la’aan
- Xabad-xanuun ama garaaca wadnaha oo isbedela (palpitations).
Sidee Loo Ogaadaa Dhiig-La’aanta?
Dhiig la'aantu (Anemia) waa xaalad caafimaad oo saamaysa malaayiin qof oo caalamka ah. Waxay dhacdaa marka unugyada dhiigga cas ee jidhkaaga ay hoos ugu dhacaan heerka loogu talagalay, taas oo keenta in xubnaha jirku waayaan ogsajiin ku filan.
Habka kaliya ee lagu xaqiijin karo waa baaritaan caafimaad
- CBC Test: Kaas oo cabbiraya heerka Hemoglobin-ka.
- Iron Studies: Si loo ogaado haddii birta jirkaagu ay ku filan tahay.
Talada dhakhtar waa lama huraan.
Sida Loo Daweeyo Dhiig-La’aanta
Daaweyntu waxay ku xiran tahay sababta keentay:
Daawooyin
- Iron tablets ama syrup
- Vitamin B12
- Folic Acid
Cuntooyin Kordhiya Dhiigga
Cuntooyinka hodanka ku ah birta waxaa ka mid ah:
- Beerka (liver)
- Hilibka cas
- Kalluunka(Malayga)
- Digir, laws, sisinta,misirta
- Khudaar cagaaran (isbinaaj, Saladhka ama ansalaatada,)
- Timir & malabka
Sida Looga Hortago Dhiig-La’aanta
- Cun cunto dheellitiran
- Hubi caafimaadkaaga mar walba
- Dawee gooryaanka caloosha(hadii aad qabtid)
- Haweenka uurka leh ha qaataan nafaqooyinka lagu taliyay
- Ka fogow is-daaweyn aan talo caafimaad lahayn
Gunaanad
Dhiig-la’aantu waa dhibaato caafimaad oo caadi ah balse si fudud loo xakameyn karo haddii la helo faham sax ah, cunto wanaagsan iyo talo caafimaad. Haddii aad dareento calaamadaha kor ku xusan, waa muhiim inaad la xiriirto xarun caafimaad.
Ha qaadan daawo adigoon la tashan dhakhtar. Caafimaadkaagu waa mas'uuliyad weyn.
..webp)
0 Comments