Waa Maxay Jadeecadu?
Jadeecadu waa caabuq aad u faafa oo uu keeno fayras ku dhaca habka neefsashada. Waxay ku faaftaa hawada marka qofka qaba uu qufaco, hindhiso, ama hadlo. Waxa yaab leh in fayraska Jadeecadu uu hawada ku jiri karo ilaa laba saacadood ka dib marka uu qofkii bukay meesha ka baxo.
Calaamadaha Lagu Garto
Calaamadaha Jadeecadu ma soo baxaan isla markiiba, badanaa waxay qaadataa 10 ilaa 14 maalmood. Waxaana ka mid ah:
-Xummad aad u sarreysa (had iyo jeer ka bilaabata 38°C ilaa 40°C).
-Qufac qalalan iyo sanka oo dareera.
-Indhaha oo casaada (Conjunctivitis).
-Finan casaan ah oo wejiga ka soo bilaabma, kuna faafa jidka intiisa kale.
Xusuusnow: Jadeecadu ma lahan daawo gaar ah oo lagu dilo fayraska marka uu kugu dhaco, balse waxaa la daweeyaa calaamadaha si looga fogaado dhibaatooyin ka dhasha sida oof-wareenka (pneumonia) iyo caabuqa maskaxda.
Maxay Tahay Sababta ay Khatarta u Tahay?
Jadeecadu ma aha xanuun ku kooban finan maqaarka ka soo baxa oo kaliya. Waxay daciifisaa habka difaaca jirka, waxayna horseedi kartaa:
Indho-beel: Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee indho-beelka carruurta ku keeni karta waxaa kamid ah
Nafaqo-darro: Waxay ilmaha ka lumisaa rabitaanka cuntada, taas oo ka dhigta mid daciif ah.
Dhimasho: Gaar ahaan carruurta aan tallaalnayn ama kuwa nafaqada haysan.
Xalka kaliya: Tallaalka
Warka fiicani waxa uu yahay inaan haysanno difaac adag. Tallaalku waa habka ugu badbaadada badan uguna waxtarka badan ee looga hortagi karo cudurka.
Laba dhibcood/irbadood ayaa ku filan inay ilmahaaga ka badbaadiyaan khatartan nolosha madow ka dhigaysa.
Waa bilaash, waana mid laga heli karo xarumaha caafimaadka ee kuugu dhow.
Hooyo ama aabe waxaa idin saaran mas’uuliyad ah inaad hubisaan badbaadada ubadkiina.
Ha rumaysanina sheekooyinka khaldan ee laga sheego tallaalka; sayniska iyo waayo-aragnimada caafimaad waxay xaqiijiyeen in tallaalku yahay badbaado.
Haddaba, ma hubisaa in ilmahaagu uu qaatay dhammaan wareegyada tallaalka Jadeecada?
![]() |
| Sawir- Talaalka jadeecada |

.jpeg)
0 Comments