Markii naxariistii ay lacag isku beddeshy
Dunida inteeda badan, isbitaalku waa meel loo tago si loo helo rajo iyo caafimaad. Waa hoyga naxariista iyo badbaadada nafta. Laakiin Wadankeenu, xaaladdu waxay u muuqataa mid ka duwan. Maanta, isbitaallada gaarka loo leeyahay (Private-ka) waxay isu beddeleen goobo ganacsi oo u shaqeeya sidii shirkadaha macaashka raadiska ah, halkaas oo jeebka bukaanka laga eego ka hor inta aan la eegin garaaca wadnihiisa.
1. "Lacag bixi" ka hor badbaadada
Waxaa ayaan darro weyn ah in maanta qofka isagoo miyir la' ama dhiig baxaya la keeno albaabka isbitaal private ah, ka dibna lagu yiraahdo: "Horta lacag dhig intaanan hawsha bilaabin." Haddii ehelka bukaanku aysan lacagtaas hayn, naftu waxay ku dhimanaysaa albaabka hore. Halkee ayay ku dhimatay dhaartii dhaqtarnimo? Halkee ayay martay naxariistii bini-aadantinimo?
2. Baadhitaanno "Ganacsi" ku dhisan
Dhibaatada ugu weyn ee maanta jirta waa "Over-testing" ama baadhitaannada xadka dhaafsiisan. Haddii aad madax xanuun u tagto, waxaa lagu marsiinayaa mashiin kasta oo isbitaalka yaalla:
CT Scan & MRI aan loo baahnayn.
Dhiig-baadhis aad u badan oo ujeedadu tahay uun in biilka lagu kordhiyo.
Daawooyin qaali ah oo farmashiyaha isbitaalku iska leeyahay oo keliya laga heli karo.
Tani maaha daryeel caafimaad, ee waa qorshe maaliyadeed oo looga faa'iidaysanayo dhibaatada iyo cabsida qofka xanuunsan.
3. Maxay tahay doorka Wasaaradda Caafimaadka?
Maqaamka isbitaallada gaarka ah maaha inay noqdaan kuwo "aan la taaban karin." Waxaa muuqata in la waayay kormeer dhab ah oo lagu xakameynayo qiimaha waalida ah ee adeegyada caafimaadka. Haddii aan la helin nidaam sharciyeed oo xuduud u yeela qiimaha (Price Control), isbitaallada waxay sii ahaan doonaan mashiinno dhiigga ka miira dadka danyarta ah ee raadinaya nolol dhaanta tan isbitaallada dowladda ee dayacan.
Gunaanad: Caafimaadku maaha Badeecad
Caafimaadku waa xuquuq, maaha badeecad lagu gorgortamo. Isbitaallada private-ka ah waa inay ogaadaan in hantida ay urursanayaan ay tahay mid laga jaray mashiinka neefsashada ee ilmo yar ama lacagtii raashinka ee qoys dhibaataysan. Waa inaan kor u qaadnaa codkeena si aan u dalbano isbeddel dhab ah iyo naxariis dib ugu soo laabata goobaha caafimaadka.
Medicine is not a degree it's resbonsibility!
mahadsanidiin
0 Comments