Macaanka (Sokorowga): Fahamka Cudurka, Calaamadihiisa, iyo Sida Loo Xakameeyo

Xanuunka macaanka (sonkorowga


WAXAA MAXAY XANUUNKA MACAANKA AMA SOKOROWGA (DIABETIC)? 


Xanuunka macaanka ama sokorowga waa xanuun uu keeno ama ka yimaada marka jirka ama dhiiga ay ku badato sonkorta ama Glucose taa oo ka imanaysa in la burburin waayo sonkorta ku jirta dhiiga bini adamka. macaanka ama sokorowga wuxuu sababi karaa wadna xanuun, kilyaha oo fadhiista, wadna istaag iyo waxyaabo badan oo qalqal ku ridi kara shaqada caadiga ah ee jirka bini adamka.


MAXAA KEENA CUDURKA MACAANKA AMA SOKOROWGA?


Waxyaabo kala duwan sida hidahaaga (Faraca) meesha uu kasoo jeedo, qoykaaga taariikhdiisa caafimaad sida qof kamid ah inuu qabay cudurka macaanka,ama deegaanka aad ku nooshahay.

Waxyaabaha dabiiciga ah ee soo dedejiya cudurka macaanka waxaa kamid ah, Cayilka kan ugu daran waa kan caloosha meesha suunka laga xirto ku bata, Cuntada cunto culus oo aad cuntid wixii ka dambeeya  8pm(sideeda fiidnimo),Iyo  Da'da 

Sidee Ayay Sonkortu Jirka Ugu Shaqeysaa?

Marka aad cunto cunto leh karbohaydrayt (sida bariis, rooti, baasto), jirku wuxuu u beddelaa sonkor. Sonkortaas dhiigga ku jirta waxaa unugyada gaarsiiya insulin. Haddii insulin ku shaqeyn waayo ama uu yaraado, sonkortu ma geli karto unugyada  dhiiggana way ku ururtaa.

Noocyada Macaanka

  1. Nooca 1aad

  • Jirku ma soo saaro insulin ku filan
  • Badanaa wuxuu ku dhacaa carruurta iyo dhalinyarada
  • Qofku wuxuu u baahan yahay insulin joogto ah        


      2. Nooca 2aad

  • Jirku insulin wuu sameeyaa, laakiin si fiican uma isticmaalo
  • Waa nooca ugu badan
  • Waxaa lala xiriiriyaa miisaan dheeraad ah, cunto aan caafimaad lahayn, iyo dhaqdhaqaaq yar

      3. Macaanka Uurka (Gestational)

  • Ku dhaca haweenka uurka leh
  • Badanaa wuu baaba’aa marka ay dhasho Laakiin wuxuu kordhiyaa khatarta macaanka mustaqbalka

CALAAMADAHA LAGU GARTO SOKOROWGA

Xanuunka sokorta wuxuu kor uqaadaa macaanka dhiiga waxaana lagu aqoonsan karaa dhawr calaamadood, hadaad iska gaari weyso waxaa suurta gal ah in xaaladaada caafimaad ee aad usii murugto

1- Kaadi badan 

Macaanka jirku marka uu saro u kaco kilyaha waxay isku dayaan iney jirka ka dhaqaan sokorta badan, ayagoo dhiiga kasoo nuuga macaanka waxaana ku garan kartaa, marka aad kaadiso in ay kaadidaadu isugu imaadaan, quraanjada loo yaqaano macaan jecelka.

2- Oon badan


Mar hadey badato kaadida jirkaaga kasoo baxayso, jirkaagu waxaa ku dhaco fuuq bax (Dehydration)taas ayaana keento inaad markasto u baahato inaad biyo badan cabto.

3- Gaajo badan


Jirka wuxuu awoodiisa ka helaa sokorta ama carbonhydratis ka ama macaanka uu cunaayo qofka, maadaama uu ruuxii jirkiisa nuugi karin cuntadii uu cunay oo badankeeda banaanka loo soo saaro, qofka waxaa ku dhaco tabar la'aan oo aan dhamaad lahayn.

4- Daal badan


maadaama ruuxa dhiigiisa macaankii uu tabarta ka heli lahaa banaanka loo soo tufaayo, waxaa dhacayo in ruuxa mar kasta uu daalo oo xubnihiisa dhaqaajin waayo culays dartiis sababtoo ah awoodiisa ayaa yaraaneyso.

5- Indhaha oo caad kaa fuulo


indhaha waxay leeyihiin xidido yaryar oo dhiiga qaado, marka uu dhiiga wasaq noqdo oo ay sokorta ka buuxsan karto, waxaa dhacdo wasaqdaasi iney aragiisa hoos u dhigto, hadey xaalada ku xumaatana waxaa suurta gal ah iney xididaha indhaha qarxaan oo ruuxu indho ku dhaco.

6- Boogaha oon bogsoonin


Ruuxa marka uu macaanka soo hayo waxay qaataan boogihiisa todobaadyo iney ku bogsoodaan sababtoo dhiiga marka uu macaanka ka bato waxay waxyeelo u geystaan neerfaha jirka iyo wareega dhiiga.

7- Kabuubyo lugaha iyo gacmaha


Haduusan ruuxa isla gaarin dawo, waxaa dhacda macaanka inuu waxyeeleeyo neerfaha iyo wareega dhiiga gacmaha iyo lugaha taas oo keenta kabuubyo fara badan iyo xanuunba.

8- Barabara madaw 


Marka ay sokorka jirkaagu ku badato waxaa dhacdo iney barabara madaw kaasoo baxaan maqaarka dubka Siiba luqunta, kilkilaha,iyo bowyada mise cagarada.

9- Cuncun iyo baaro


Maadaama ay jirkaagu ku jirto sokor badan waxaa sokortaasi quuto fungeis taas oo dhaliso inaad isku aragto jir cun cun badan iyo infection-ka keeno baarada oo ku dhasho laablaabyada jirka iyo kol jilicyada jirkaaga.

Maxaa Kordhiya Khatarta Macaanka( Diabetis)?


Waxyaabaha kordhiya khatarta waxaa ka mid ah:

  • Miisaan badan
  • Jimicsi la’aan
  • Taariikh qoys oo macaanka qabay (genetic diabetes)
  • Cunto sonkor iyo dufan badan
  • Da’ sii kordheysa
  • Cadaadis dhiig (blood pressure) sare

Sidee Loo Xakameeyaa Macaanka?

Inkasta oo macaanku yahay cudur joogto ah, haddana waa la xakameyn karaa:

  •  Cunto dheelitiran cun
  •  Yaree sonkorta iyo cuntooyinka warshadaysan
  •  Samee jimicsi joogto ah
  • La soco sonkorta dhiigga
  • Qaado daawooyinka uu dhakhtarku qoro
  • Miisaanka ilaali


Dhibaatooyinka Ka Dhalan Kara Haddii Aan La Xakameyn

Haddii macaanka la dayaco, wuxuu saameyn karaa:

  • Wadnaha
  • Kelyaha
  • Indhaha
  • Neerfaha
  • Cagaha (nabarro iyo dareen beel) Tani waa sababta ay muhiim u tahay in si joogto ah loo xakameeyo.

Gunaanad

Macaanku waa cudur caan ah, laakiin ma aha mid laga quusto. Fahamka cudurka, ogaanshaha calaamadaha, iyo qaadashada nolol caafimaad leh waxay si weyn u yarayn karaan khatartiisa. Baaritaan hore iyo daryeel joogto ah ayaa fure u ah caafimaad wanaagsan.


⚠️

Macluumaadkaan waxaa loogu talagalay wacyi gelin keliya, fadlan la tasho dhakhtar intaadan qaadan wax go'aan ah oo caafimaad.

Post a Comment

0 Comments

Searching